Naxariistii Janno Allah haka waraabiyee waxaa magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska saaka ku geeriyooday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen oo ku magac dheeraa ”Nuur Cadde”.
Nuur Cadde, ayaa muddooyinkii u danbeeyay halkaas ku xunuunsanayay ,waxana geeridiisa xaqiijiyay qoyskiisa.

Raysal-wasaare Nuur Cadde, ayaa loo magacaabay xilka Raysal-wasaaraha Soomaaliya, sannadkii 2007, markaas oo dawladdu fadhiday magaalada Baydhabo isagoo xilkaa hayay illaa sannadkii 2009-kii.

Madaxwayne Cabdillaahi Yuusuf Axmed, ayaa ahaa madaxwaynihii magacaabay raysal-wasaare Nuur Cadde.

Kala soco wararkii ugu dambeeyay Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga