Qaramada Midoobay ayaa sheegtey in ay ka walaacsan tahay “dhibaatooyinka sii kordhaya ee colaadaha”bariga Magaalada Ghouta ee Suuriya waxanay ku baaqeen “si dhakhso ah in Gargaar Loo Gaadhsiiyo.

qaraxyada aagagga mucaaradka ka dhacaya ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 100 qof illaa Axaddii.

“Xiisadda colaadeed ee Taagani waxay sii Xoojinaysaa xaalada bani’aadanimo, Panos Moumtzis, oo ah madaxa isuduwaha gargaarka bini’aadminnimada ee Qaramada Midoobay ayaa ku sheegay hadal uu ka Jeediyay Golaha amaanka Maanta.

“Waxaa lagama maarmaan ah; in la dhammeeyo dhibaatada bani’aadanimo ee hadda jirta, taas oo lagu beegsanayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan iyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka suuriya.ayuu yidhi Panos Moumtzis

Ugu yaraan 20 caruur ah ayaa ka mid ah kuwa lagu diley weerarada cirka ee duullaanka hawada. sidookale 400,000 oo qof ayaa ku Guryo waayay , sida laga soo xigtay sirdoonka Suuriya.

sidoo-kale In ka badan 300 oo qof ayaa ku dhaawacmay sida ay sheegeen koox ka tirsan kormeerayaasha Caalami ahi Maanta.

Bariga Ghouta ee dalka suuriya ayaa ah goobtii ugu dambeysay ee ay ka dhacaan Weeraro ay ku nafwayaan dad rayid-ahi,

Qaramada Midoobay iyo ururrada kale ee xuquuqda aadanaha ayaa si joogto ah ugu baaqay xabbad joojin rasmi ah xukuumadda Suuriya iyo Kooxaha Dagaalka Kula Jira.

Iyada oo ay taasi sabab u noqotay go’doominta adag, ee lagu hayo gargaarka bani’aadanimo oo ay awoodi wayeen in ay bixiyaan Wax Badan, oo ah cunto iyo qalab caafimaad.

Bishii Febraayo 14-keedii, gaadhi kolonyo ah ayaa gaadhey qiyaastii 272,500 oo qof oo u baahan gargaar bini’aadannimo, sida uu sheegayo Cali al-Za’ari, oo ah isku-duwaha bani’aadamnimada ee Suuriya.

“helitaan la’aanta ayaa sababtay cunto yaraanta daran iyo kororka qiimaha cuntada,” ayuu yidhi.

“Heerarka nafaqo-xumada ayaa hadda gaadhay heer aan horay loo arag, iyadoo 11.9 boqolkiiba carruurta ka yar shan sano jirka ah ay hayso nafaqo-xumo ba’an – heerka ugu sareeya ee laga diiwaan-galiyay Suuriya tan iyo bilowgii dhibaatada.

Inkasta oo heshiis la gaadhay, hadana ku dhawaad ​​300 oo qof ayaa lagu dilay Bari Ghouta iyo Idlib tan iyo bilawgii bishan.

Dagaalkii sokeeye ee Suuriya ayaa waxaa ku dhintay boqollaal kun oo qof, halka Malaayiin kalena ka cararaan dalka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga