Kulan ay hogaamiyayaasha xisbiyada dimuqraadiga iyo jamhuuriga ee dalka maraykanku la lahaayeen madaxweyne trump ayaa kusoo dhaamaaday natiijo la’aan, iyadoo labada dhinac ay isku fahmi waayeen xalinta khilaafka miisaaniyada dallka maraykanka.

Kulanka oo ka dhacay aqalka cad ayuu madaxweyne trump xal ugu raadinayay diidmada aqalka baarlamaanka ee ku wajahan gidaarka uu damacsanyahay in uu ka dhiso xadka uu wadankiisu la wadaago dalka miksiko, oo uu balan qaaday in uu darbigaas dhisi doono markii uu ku jiray ololaha doorashada.

Mdaxweyne trump ayaa miisaaniyada ku darsaday lacag dhan 5bn oo doolar oo  uu doonayo in uu ku dhiso darbiga miksiko.

Hogaamiyayasha labada xisbi ee dimuqraadiga iyo jamhuuriga ayaa midba ka kale ku edeeyay is faham waaga ka dhextaagan labada dhinac.

Madaxweyne trump ayaa kulanka ka dib sheegay in ij uu diyaar u yahay Wadda shaqayn dhex Marta xisbiga dimuqraadiga. Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitterka ayuu mar kale ku codsaday in la ansixiyo miisaaniyada.

Wali waxa xidhan qaybo ka mid ah dawladdda maraykanka oo aanay wali muuqan xal laga gaadhayo khilaafka miisaaniyada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga