War-Saxafedeed Kasoo Baxay Guddiga amniga doorashada Puntland oo Garoowe ku shiray ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan adkaynta iyo xoojinta amniga, si looga hortago wax kasta oo carqalad iyo amni darro keeni kara xilliga doorashada.

Qodobbada War-Safaxeedka ku Qornaa ayaa Waxaa ka mid ahaa in aanay Puntland Iman karin maalmaha doorashada lagu jiro shaqaalaha dowladda Federalka sida Wasiirrada, Agaasimayaasha, Saraakiisha ciidanka iyo howl-wadeennada Madaxtooyadda Soomaaliya.

Guddiga amniga ayaa War-Saxafadeedkooda Ku sheegay inaan Puntland la soo galin karin lacago kaash ah,iyadoo lacag kasta oo laga soo galiyo garoommada diyaaradaha iyo baraha koontoroolada lala wareegi doono.

Sidoo kale, guddiga ayaa warka uu soo saaray ku sheegay in diyaaradaha Kasoo Dagaya Garoomadda Puntland lagu amray inay soo gudbiyaan liiska dadka ay sidaan inta aanay soo duulin.

Guddiga amniga ayaa qodobbadan soo saaray xilli wax ka yar toddobaad ay ka dhimantahay xilliga loo ballamay inay doorashadu ku dhacdo ee horraanta bisha Jannaayo sannadka 2019-ka

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga