Xafiiska Maareynta Khataraha iyo Masiibooyinka ee Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa Shaqaalaha degmooyinka Gacmo-dheere, 26-ka June, Gacan-libaax iyo Ciidanka Booliska ee xarunta Dawlada Hoose ee Hargeysa u furey tobabarka badbaadada dabka iyo sida loo isticmaalo Haamaha Badbaadada Dabka.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Maaraynta Khataraha ee dawladda Hoose ee Haryesa, ayaa lagu sheegay in tobabarkan oo lagu qabtay hoolka Dawladda Hoose ee Hargeysa, ay degmo walba soo dirsatay shaqaale kooban oo tobabarkaasi uga qaybgalla si naftooda iyo nafaha dadka kale u badbaadiyaan.

Tobabarkan ayaa shaqaalaha lagu barayey sida looga hortago dabka, isla markaana loo maareeyo khasaaraha dabka dhaliyo iyo sida haamaha badbaadada loo isticmaalo si aanu khasaare badan u dhalin dabku.

Tobabarka badbaadada dabka ayaa dhamaan shaqaalaha degmooyinka caasimadda iyo shaqaalaha xarunta ka hawlgallaba la siiyey si loo yareeyo halista dabku keeno.  

Tobabarkan waxa bixinayey Prof: Cabdi Jaamac Mixile iyo Jamaal Cali Rooble oo aqoon badan u leh maareynta khasaaraha dabku dhaliyo iyo sida looga hortago, kuwaas oo Xafiiska Maareynta khataraha ka caawiya tobabarada badbaadada dabka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga