Guddida Iswaafajinta Xeerarka Doorashooyinka Golaha Wakiilada Somaliland oo sii wada kulmadoodii shaqo ayaa maanta goobo kala duwan ku yeeshay fadhiyadoodii 12aad iyo 13aad.

Sida lagu sheegay qoraalo lagu faafiyey facebook-ga Golaha Wakiillada, Guddida ayaa fadhigii 12aad oo ay ku yeesheen xarunta golaha la kulmay Guddida Diwaangalinta Ururrada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka, halka fadhigiidii 13aad na ay Maxkamadda Sarre ee Somaliland kula kulmeen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Ku-xigeenkiisa iyo waliba xubno ka mid ah garsoorayaasha Maxkamadda Dastuuriga ah ee Dalka.

Fadhiyadani oo shir gudoominayay Gudoomiyaha gudidaasi Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax kana soo qaybgaleen xubnaha gudidaasi, saacado badana qaatay ayaa ujeedadoodu ahay sidii ay dhinacyadani u soo jeedin lahaayeen waxyaabaha u baahan in ay ka dhex muuqasaan xeerarka doorashooyinka Dalka.

Sidoo kale, Guddidan Golaha Wakiillada ayaa shalay kulamo la qaatay Cabdilaahi Jawaan oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii koowaad ee Komishanka Doorashooyinka qaranka iyo Xasan Macalin oo isna ahaa afhayeenkii hore gudida hore diiwaangalinta ururada siyaasadda.

Waxa kaloo ay shirar la qaateen qaar ka mid ah Urruradii Siyaasada ee aan aqbalin go’aamadii odayaasha dhaqanka ee Habar-jeclo, kuwaa oo kala ahaa; Ururka Horseed, Ururka Ogaal iyo Ururka Shacabka.

Waxa kaloo ay Guddidu shirar la qaateen Ururada bulshada oo kala ah:-

1. Anwar Cabdiraxman warsame SONSAF Chairperson

2. Abdirahman cisman gaas NAFIS Executive director

3. Axmed Xasan Muxumed

SONYO Chairman

4. Mukhtar Dahir Jibril SOLLA Deputy/chairman

5. Nafisa Maxamuud Shirwac SOWLA BOD member

6. Yasmin Axmed Yusuf WIJA Chairwomen

7. Yusuf maxamuud xuseen ADAM ACADAMY Executive Director

8. Cabdilahi Xasan Maxamuud HAVOYOCO Executive Director

9. Khadar Xuseen Daahir SNDF Executive Director

10. Xamse Ibraahim Cismaan SONSAF Executive Director

11.Nimco Maxamed Cali SONYO Acting (E.D)

12. Maxamed Siciid Xirsi SONSAF BOD member

13. Mustafe Cabdilahi Maxamed SONSAF BOD member

14. Cabdirisaaq Maxamed NAGAAD NAGAAD

15. Kaltun Maxamed qaasim NAGAAD Secretery of BOD

16. Maxamuud Maxamed Ducaale TAAKULO Executive Director

17. Khadra Cumar Maxamed NAFIS NETWORK Chairwoman

18. Sakariye Axmed Muxumed SOLJA Chairman

Kulamadan oo saacado badan socday, isla markaasina uu shir gudoominayay Guddoomiyaha Gudidaasi Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax kana soo qaybgaleen dhamaan Xubnaha gudidaasi ayaa waxa ay dhamaantood daaranaayee gorfaynta waxyaabaha u baahan in lagu daro xeerarka Doorashooyinka Dalka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga