Waddanka Pakistan waxa ka taagan xiisad ka dhalatay maamuus ka xayuubintii lagu sameeyay raysalwasaarihii dalkaas, Cimraan Khaan.

Raysalwasaare Cimraan Khaan ayaa saacadihii hore ee Axadda ay codka kalsoonida kala noqdeen baarlamanka Pakistan, taas oo ka dhigan in uu waayay jagada ugu awoodda badan Pakistan.

Taageerayaasha Cimraan Khaan ayaa diidan in xafiiska la dhaafiyo iyadoo heegan la galiyay ciidamada dalkaas, si looga hor tago rabshadaha.

Isniinta berri ayaa la filayaa in kal-fadhi ay yeedhaan baarlamanku isla markaana ay Pakistan yeelato raysalwasaare cusub.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga