Aliko Dangote, oo ah ninka ugu hantida badan qaaradda Afrika ayaa sheegay in aanu haba yaraatee wax hoy ah ku lahayn meel ka baxsan dalkiisa, xili uu sheegay in xataa qaar badan oo ka mid ah shaqaalihiisu ay guryo ku leeyihiin magaalada London.

Ninkan oo u dhashay dalka ku yaala galbeedka qaaradda Afrika ee Nayjeeriya ayaa warkan sheegay mar uu ka qayb galayay dood sanadle ah oo lagu qabto dalka Nayjeeriya.

Mr Dangote ayaa intaa ku daray in marka aad ganacsi ku dhex jirto aanay ahayn in aad hanti badan lumiso ee taa badalkeeda aad diiradda saarto shaqadaada, markaas kadibna aad arki doonto macaashka oo ku daba socda, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga