Nin ayaa fuulay baalka diyaarad isu diyaarinaysay in ay ka duusho garoonka ugu mashquulka badan Nigeria sida ay sheegtay dawladda wadankaasi.

Muuqaal uu duubay qof rakaab ahaa , ayaa muujiyay ninka oo fuulaya baalka una baaqay shaqaalaha diyaarada si ay uga furaan albaabka laga baxo diyaarada ku sugnayd garoonka magaalada Lagos maalintii Jimcihii.

Lama cadeyn sida ninkaasi oo la xaqiijin ku gaadhay diyaarada iyo waxa ujeedadiisu ahayd.

Ninka ayaa u soo gudbay dhabaha , wakhti diyaarado ay sugeysay warqada fasaxa duulimaadka sida ay sheegtay af-hayeen u hadashay hay’adda duulimaadyada federal-ka Nigeria Henrietta Yokuba.

Duuliyaha ayaa damiyey mootarka markii ninku dul socday diyaaradaha sida ay sheegtay Mrs Yokubu ka hor intii aanay duulin magaalada Port Harcourt.

Waa amaan daradii ugu dambaysay ee ka dhacda garoon ku yaalla Nigeria.

Dad saarnaa diyaarad gaar ahayd oo ku sugnayd magaalada Lagos ayaa sheegay in tuugo ay xoog ku fureen albaabada oo ay xadeen shandado ama boosooyin 2017.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga