Boris johson ayaa loo doortay in uu hogaamiyo xisbiga conservavieka ingiriiska, isagoo sidoo kale noqon doona raysalwasaaraha csub ee dalkan ku yaala galbeedka qaaradda yurub.

Wuxuu bedelayaa mrs theresa may oo is casishay bishii march, kadib cadaadis xoogan oo ay kala kulantay baarlamanka dalkeeda.

Xubnaha xisbiga conservaviveka ayaa u kla codeeyay labada murashax ee isugusoo hadhay wareega ugu danbeeyay codaynta oo kala ahaa boris johson iyo jermey hunt oo ah wasiirka arimaha dibadda.

Mr johson ayaa codad badan kaga adkaaday ninka la tartamayay isagoo helay codad ka badan 92k oo cod, halka mr hunt-na uu helay 46,656 cod.

Mr johson oo guushisa kadib hadlay wuxuu mar kale ku celiyay balanqaadkisii ahaa in ingiriiska uu bisha october ka saari doono yurub inteeda kale.

Barnaamijka brexit ayaa ah shaqada ugu muhiimsan ee hor taala raysalwsaarahan 55-jirka ah. Iyadoo lawada sugayo talaabooyinka uu qaadi doono.

Boris johson wuxuu kasoo baxay jaamacadda oxford, intii aanu siyasadda soo galin wxuuu ahaa saxafi kasoo shaqeeyay warbaaahinta ingiriisska. 2001di ayaa loo doortay in uu ka mid noqdo baarlamanka ingiriiska. Sanadkii 2008diina wxuuu noqday maayirka magaalaada caasimadda ah ee london oo laba jeer uu ku guulaystay.

Sanadkii 2016kii ayuu noqday wasiirka arimaha dibadda ingiriiska isagoo jagadaas iska casilay sanadkii 2018kii.

Kadib iscasilaadii theresa may johson wuxuu u tartamay jagada ay banaysay mrs may, isagoo ugu danbayntii ku guulaystay salasada maanta.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga