
Dalka Zimbabwe nin laga baadhayay caabuqa Coronavirus ayaa ka baxsaday cisbitaalkii lagu baadhyay, iyadoo illaa hadda aan la helin.
Nin dhalinyara oo da’diisu tahay 26-sanno ayuu ahaa wuxuuna Zimbabwe uga yimi dhanka waddanka Thailand. Booliska aya baadhaya ninkan oo ku raad jooga.
Waa kuwan wadamada qaaradda Afrika ee Covid-19 lagu arkay iyo tirada kiisaskooda:
- Masar – 55
- Algeria – 20
- Koonfur Afrika– 7
- Tunisia – 5
- Senegal – 4
- Morocco – 2
- Cameroon – 2
- Burkina Faso – 2
- Nigeria – 2
- Togo – 1