Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Maraykanka ayaa xusay in iyadoo la fulinayo  heshiiskii dhex maray kooxda Daalibaan iyo Maraykanka, ciidamada Maraykanka la dhimi doono. Waxa wejiga koobaad laga tagi doonaa 8,600 oo askari oo sii jooggi doona Afkaanistaan.

135 maalmood gudahood ayaa lagu rari doonaa ciidamada, sida uu sheeegay afhayeenka ciidamada Maraykanka Afkaanistaan, colonel Sonny Legget.

Bixitaanka milatariga Maraykanka ayaa imanaya maalin kadib markii mucaarikda Afkaanistaan ay madaxweyne doorteen, lana calemo saaray maalintii Isniinta.

Maraykanka ayaa raba in uu iskasoo af-jaro dagaalka 18ka sanno uu kaw aday Afkaanistaan. Kaas oo ah dagaalkii ugu  dheeraa ee abid uu galo. Balaayiin dollar ayaa kaga khasaartay isagoo ku waayay in ka badan 2,000 oo askari oo ka tirsan milatariga Maraykanka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga