Qaybo ka mid ah dalka Itoobiya waxa saaka ka socda mudaharaado ay ka dhigayaan dad u badan qoomiyadda Oromada, kuwaas oo ka cadhaysan dil loo gaystay fanaan Oromo ahaa.

Xaafado ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa ayaa saaka lagu arkayay dad mudahraadaya kuwaas dhagxan ku daadinayay wadooyinka.

Fanaan caan ka noqday Itoobiya mudooyinkii ugu danbeeyay, qaybna ka qaatay kacdoonkii Oromada ayaa habeen hore lagu dilay gudaha magaalada Addis. Hachalu Hundessa ayaan wali la ogayn cida ka dambaysay dilkiisa, waxaana ka dhalatay cadho xoogan oo qoomiyadda Oromadu ay qaadeen.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga