Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo Inta Badan Lagu yaqaanay In uu Tageero u Muujiyo Xukuumadda Hadba Ka Jirta Somaliland, Ayaa Mudooyinkii ugu Danbaysay La Arkaayey Isaga Oo Dhaliilo Xoogan u Jeedinaya Xukuumadda Hada Ka Jirta Somaliland ee uu Hogaaminaayo Muuse Biixi.

Faysal Cali Waraabe Waxyaabaha uu Xukuumaddaha Somaliland Ku Tageeray Waxaa Kamid ahaa Heshiiskii ay Somaliland la gashay shirkadda Laga Leeyahay Dalka Imaraatka Carabta ee DPWORLD, iyo Saldhiga uu imaraatku ka dhisanayo Magaaladda Berbera, kaas oo Xisbiga Kale ee Mucaaradka ee Waddani uu Meel adag iska Taagay Waakhtigii Heshiiskaasi dhacaayey.

Faysal Cali Waraabe Oo Dad Badani u yaqaanan Siyaasiga ugu Codkarsan Somaliland, Ayaa Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi, Ku Dhaliilay In Madaxwaynuhu aanu Diyaar u Ahayn in uu Doorasho Qabto, Xili ay Somaliland Fooda Kusoo Hayaan Doorashooyinka Gollayaasha Deegaanka, Wakiiladda Iyo Guurtidda.

Shir Jaraa’id oo uu Maanta Magaaladda Hargaysa Ku Qabtay Faysal Cali Waraabe Waxa uu Ku Sheegay, In Qabsoomidda Doorashooyinka Somaliland ay Tahay Shaqo u Taala Madaxwaynaha Hadda Haya Taladda Somaliland,

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe isaga oo Hadalkiisa Sii Wata Waxaa uu Sheegay, Hadii Muuse Biixi yeelan Waayo Karti Hogaamineed ay Qaban Doonan Shir Qaran oo Lagu Badbaadinayo Somaliland, Waa Sida uu Hadalka u Dhigaye.

“Hadaanu Aragnay in aanu Lahayn Karti Hogaaneed oo uu Kaga Saari Karo Halka ay Somaliland Ku Sugan Tahay Imika Ku Eegimayno, Mana Ogolaanayno In Muuse Burburiyo Dalkayaga,” ayuu yidhi Gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

Mucaaradnimadda aan Hore Looga Baran ee uu Lasoo Baxay, Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Ayaa Dad Badani u Arkaan Mid uu Ku Kasbanayo, Kuwaas oo Kasoo Horjeedda Hanaanka Maamul ee uu Dalka Ku Dhaqayo Madaxwaynaha Hadda Taladda Somaliland Haya Muuse Biixi Cabdi.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga