Wasiirka Arimaha Dibadda Ee Boqortooyadda Sacuudi Carabia Cadel Al-Jubeir Ayaa U Sheegay Telefishanka Fox News, in ay Qalad Wayn Ahayd Dilka Qoraagii u Dhashay Dalkaasi ee Jamal Khashoggi.

Cadel Al-Jubeir ayaa sidoo kale sheegay in xukuumaddiisu ay ciqaabi doonto kuwa mas’uulka ka ah “dilka.”

Al-Jubeir Wuxuu Sheegay in Sacuudi Carabiya ay Talaabo Qaadeen si ay u Baadhaan Sida Khashoggi uu u Dhintay Ayna u Hayaan Masuuliyaadka Masuulka Ka Ah “dilka.”

“Waxaan Go’aansanay Inaanu Ogaano Dhammaan Xaqiiqooyinka, Waxaanan Go’aansanay Inaan Ciqaabno Kuwa Masuulka Ka Ah Dilka,” Ayuu Yidhi Wasiirka Arimaha Dibadda ee Sacuudi Carabia.

Wasiirka ayaa sidoo kale u Sheegay Fox News in dhaxal sugaha Sacuudi Carabia Mohammed Bin Salman uusan Ka Warqabin Howlgalka Ka Hor. “Xitaa Hoggaanka Sare Ee Sirdoonka Ayaan Ka Warqabin Tan,” Ayuu Yidhi Al-Jubeir.

Faallooyinkan uu dilka Jamal Khashoggi ka Bixiyey Wasiirka arimaha dibadda ee sacuudi Carabia ayaa imanaysa, maalin kadib markii Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump iyo Waddamo Badan oo Reer yurubi ay dhaleeceyeen, sharaxaaddii Boqortooyadda Sacuudi Carabia ay ka Bixisay Dilka Khashoggi.”

Ugu dambeyntiina Waxaa uu wasiirku, tacsi u diray qoyskii, iyo asxaabtii uu ka Baxay Wariye Jamal Khashoggi.

“Waxaan dareemeynaa xanuunkooda, waxaan rajeynayaa in arrintani aysan dhicin markale, waxaan jeclaan lahaa in arrintan laga fogaado, nasiib darro, qalad weyn oo wayn ayaa la sameeyey, waxaanan hubaa, in kuwa mas’uulka ka ah mas’uuliyad ahaan loola xisaabtami doono, “ayuu Hadalkiisa Kusoo Gaba Gabeeyay Wasiir Cadel Al-Jubeir.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga