Buuraha Himilaya hoostooda, meesha ay kasoo bilaabantay xadaaraddii Yarlung ee boqortooyadii Tibetan ayuu Shiinuhu ka binaynayaa dhaam-biyoodka ugu wayn dunida inta la ogyahay taariikhda.

Dhaamkan oo laga dhisayo biyaha webiga Tibetan ayaa sidoo kale noqon doona dhaamka ugu wayn dunida ee laga dhalin doono koronto.

Wuxuu soo saarayaa tamar dhan 60-gigawatt.

Dhererka dhaamkani wuxuu dhanyahay 5000m halka joogiisu uu cabirka badda ka sareeyo 16,000feet.

Webiga laga binaynayo ayaa noqon doona kan ugu joog dheer dunida, marka la dhamaystiro.

Kadib dhammaystirka dhaamkan, wuxuu 3 jeer ka tamar badan doonaa dhaamka ugu wayn imika ee Shiinuhu uu isticmaalo. Wuxuu ahaa mashruuc barakicyay dad ka badan 1.4million oo qof, kuwaas oo meelo kale loo raray markii la dhisayay dhaamkaas.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga