Gudida Hir-gelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee Soomaaliya ayaa war kasoo saaray sida ay u arkaan shirkii Dhuusamareeb ugusoo dhammaaday amdaxda dawladda iyo kuwa maamulada, kaas oo wax natiijo ahi aanay kasoo bixin.

Gudida oo wali ah qaar lagu muransanyahay oo mucaaridku ay diidanyihiin ayaa war kasoo abxay waa lagu yidhi: ” Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF), wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay is afgaran waagii uu ku soo dhamaaday shirkii Samareeb, wuxuuse muujinayaa inay jirto rejo wanaagsan oo weli lagu xallin karo is mariwaaga taagan, wuxuuna dhinacyada ugu baaqayaa in aysan quusan, una istaagaan masuuliyadda ka saaran dalka, ayna hirgeliyaan heshiiskii doorasho ee 17 Sebteembar 2020,”.

Gudida ayaa waxay soo dhaweeyeen dedaalada lagu xalinayo khilaafaadka jira, iyagoo bulshada Soomaaliyeed, culimada, iyo wax-garadka ugu baaqay in ay ka qayb qaataan xalinta khilaafaadka taagan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga