Maamul-goboleedyada Soomaaliya ayaa iskugu yimi magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, isku imaatinkooda, ayaa yimi kadib markii guddida doorashooyinka Soomaaliya ay muujiyeen walaaca ah dibu dhac ku yimaadda doorashada Soomaaliya.

Rasmi ahaan waxay ahayd inuu shalay shirku furmo, balse kadib kulamo gaar gaar ah iyo is faham laga gaadhay qodobada qaar ayaa suurtageliyay inuu shirku maanta ka bilowdo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dawlad-goboleedka Galmudug.

Madaxwayneyaasha Puntland, Jubbaland, Koonfur-galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug oo martigelinaysa shirka, ayaa khudbado ka jeedinaya shirkan, iyadoo ujeedka ugu wayn ee lagaga hadlayana yahay doorashada Soomaaliya iyo marxaladda kala guurka.

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, ayaa la adkeeyay iyadoo laga dareemayo dhaqdhaqaaqa ciidamada ilaallada madaxda kala duwan ee magaalada ku sugan, halka kulamo gaar gaar ah, qadooyin iyo dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed ay ka socdaan magaalada.

Madaxda dalwadda Federaalka Soomaaliya, ayaa kadib kulankan wada tashiga ee dawlad-goboleedyada, waxa ay sheegeen ahmiyadda ay leedahay doorashada oo xilgeedii ku dhacda, raysal-wasaare Khayre, ayaa si wayn u dul istaagay ahmiyadda ay leedahay doorashada oo xiligeedii ku dhacdaa, inkasta oo aanu sheegin qaabka ay tahay inay doorashadu u dhacayso.

Hadalka raysal-khayre wax yar uun kadib, ayaa qoraal ay soo saartay madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Soomaaliya, waxaa lagu soo dhaweeyay baaqa golaha wasiirrada ee doorashada la xidhiidha, taasi oo lagu sheegay in madaxwayne Farmaajo uu soo dhawaynayo baaqa golaha wasiirrada.

Dadka u dhuun daloola arrimaha siyaasadda Soomaaliya, ayaa sheegaya in madaxwayne Farmaajo iyo raysal-wasaare Khayre ay si iskugu raacsan yihiin arrimaha doorashada, si kale marka loo eegana uu u dhexeeyo farqi wayn, kuwaasi oo hadalka madaxwayne Farmaajo ka dhadhansaday rabitaanka ah in doorashadu noqoto qof iyo cod iyadoo sida ay sheegeen guddida doorashooyinka Soomaaliyana u baahan wakhti dheeri ah.

Si kastaba ha ahaatee waxaa laga dhur-sugayaa nuxurka kulanka wada tashiga ee dawlad-goboleedyada Soomaaliya maanta uga furmay Dhuusamareeb, kulankaasi oo ay dadwaynuhu si wayn ugu falanqaynayaan baraha bulshada.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga