Dawladda Maraykanka ayaa shaacisay mawqifkeeda ku aadan xaaladaha siyaasadeed ee Soomaaliya ay ku sugantahay imika, iyadoo dalku uu galay qalalaase siyaasadeed oo culus.

War kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee Maraykanka ayaa madaxda Soomaaliya loogu baaqay in ay ka shaqeeyaan dhammaystirka hawlaha doorashooyinka.

Dawladda Maraykanku waxay taageertay shirka wada tashiga qaran ee hore uu ugu baaqay raysalwasaare Rooble, kaas oo sida la sheegay in ay Villa Soomaaliya diidanayd.

Dawladda Maraykanku waxay ka mid tahay dawladaha adduunka badan ku bixiya geedi socodka dawladnimo ee Soomaaliya isagoo taageerada ugu badan geliya dhanka amniga.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga