Dawladda Maraykanka ayaa la hadashay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, iyagoo kala hadlay arimo dhawr ah oo la xidhiidha xiisadda taagan.

U-qaabilsanaha Afrika ee Maraykanka ayaa la hadashay Farmaajo iyadoo u sheegtay in uu taageero buuxda siiyo raysalwasaaraha uu sheegay in uu shaqada ka joojiyay, si doorashooyinka loo dhammaystiro.

Maraykanku wuxuu Farmaajo ugu baaqay in uu joojiyo falalka qaska keenaya, iyo in ciidamada Soomaaliya aanay siyaasadda ku milin.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga