Baarlamanka Itoobiya waxay meel mariyeen qorshe ballaadhan oo wado xukuumada raysalwasaare Abiy Axmed, qorshahaas oo lagu damacsanyahay in Itoobiya lagaga qabto wada tashi heer qaran ah.

Waxa la aasaasayaa komishanka qaranka ee wada tashiga kaas oo la sheegay in uu darsi doono xaaladaha Itoobiya ka jira iyo dagaalada kumanaanka qof lagu dilay ee qaarkood ay weli ka socdaan waqooyiga dalkaas.

Waxa xusid mudan in laba urur oo imika dagaal kula jira Itoobiya ay ka maqanyihiin komishanka la sheegay ee wada tashiga qaran.

Ururada TPLF iyo OLA ayaan ku jirin wada tashiga heerka qaran ee Itoobiya, waa Tigrayga iyo Oromada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga