Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ciidanka Maraykanka waaxdiisa ka hawl gasha qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa weeraro dhawr ah ka fuliyay deegaano ka tirsan dalka Soomaaliya.

Illaa afar duqaymood ayay diyaaradaha drone-ku maalintii Axadda ka fuliyeen deegaanada Kuunyo Barrow iyo Caliyow Barrow ee gobolka Shabeelada Hoose.

Taliska Maraykanka ayaa xusay in illaa afar dagaalame oo ka tirsan kooxda alShabab ay ku dileen weerarada labada deegaan. Waxa ay intaa ku dareen in aanay jirin dad shacab ah oo ku waxyeeloobay duqaymaha.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga