Illaa 25 qof ayaa wali lagu la’yahay qaraxii subaxnimadii Sabtida ka dhacay isgoyska Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho, sida uu xaqiijiyay afhayeenka dawladda federaalka Soomaaliya.

Dadka la raadinayo waxa ku jira 6 caruur ah oo waalidkooda ay ugu wardambaysay aroornimadii uu qaraxu dhacay.

Wararka kale ee qaraxa kasoo baxay ayaa tibaaxaya in laba qof ay u geeriyoodeen dhaawacyo culus oo kasoo gaadhay qaraxa. Gabadh ku jirtay dadkii loo qaaday Turkiga ayaa ka mid ahayd dadka dhaawaca u geeriyooday. 16 qof oo dhaawac culus qabay ayaa loo qaaday dalka Turkiga.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga