Dawladda Maraykanka ayaa diyaaradaheeda dagaalka ee awoodda u leh in ay qaadaan bambooyinka nukliyeerka keenaysa wadamada Yurub.

Dalka Ingiriiska ayaa la filayaa in diyaaradaha Maraykanka ee B-52 ay gaadhaan todobaadka danbe.

Xiisadda ka taagan Bariga Yurub ee Reer Galbeedka iyo Ruushka ayaa cirka iskusii shareeraysa, iyadoo Ruushka ay ka go’antahay in uu qabsado Yukrayn.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegay in weli uu furanyahay xal nabadeed, lagana baaqsan karo dagaal. Macron wuxuu tibaaxay in Ruushku xaq u leeyahay cabashooyinkiisa dhanka ammaanka.

Dagaal ka dhaca Yukrayn ayaa la filayaa in uu keeno saamayn wayn oo siyasadeed iyo dhaqaale.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga