Gudiyada Doorashooyinka Heer Maamul Goboleed ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in aanay helin wax mushahar ah muddo gaadhaysa 3 bilood oo xidhiidh ah.

Gudida ayaa tibaaxday in imika ay soo foodsaartay dhaqaale xumo wayn oo gaabis ka dhigaya hawlaha doorashada ee socda.

Arintan ayaa imanaysa xili lagu baaqayo in la dedejiyo hawlaha doorashooyinka isla markaana loo dhamaystiro sida ugu dhakhsaha badan.

Afhayeenka gudida doorashooyinka, Axmed Safiina, ayaa beeniyay in laga saaray guryaha ay ku jireen balse wuxuu xaqiijiyay in aanay qaadan wax mushahar ah muddo bilo ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga