Dawladda Maraykanka ayaa cuno qabatayn kusoo rogtay qaar ka mid ah madaxda dalka Soomaaliya iyo madaxdii hore ee dawladihii hore, sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda Arimaha Dibadda ee dawladda Maraykanka.

Lama sheegin cidda ay kala yihiin madaxda xanibaadaha socdaalka laguso rogay, absle waxa la filayaa in si rasmi ah ay dhawaan dawlada Maraykanku usii dayso magacyada masuuliyiinta ay cuno qabataynta saartay.

Xanibaadaha ayaa saamayn doona qoysaska madaxda sida ay sheegtay dawladda Maraykanku.

Sababta cuno qabatayntan ayuu Maraykanku ku sheegay in ay tahay mid wax lagaga qabanayo madaxda hor taagan doorashooyinka Soomaaliya, kuwa saxafiyiinta xidhaya iyo kuwa cabudhinaya mucaaradka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga