Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Mike Pompeo, ayaa sheegay in cunaqabataynta la saaray Iiraan aanay ku jirin gargaarka bini-aadanimada ee la gayno dalkaas, xilli haayadaha u dooda xuquuqda aadanuhu ay sheegeen in ciqaabta Iiran ay curyaamisay habka caafimaadka dalkaas.

Mr. Pompeo oo ka hadlayay arrintan xilli uu weriyayaasha kula hadlayay aqalka cad, ayaa waxa uu yidhi: ‘’ Waxaan maqlay dad ka  hadlaya cunaqabataynaha, waa inuu adduunku ogaadaa inaanay jirin cunaqabatayn diidday gargaarka bini-aadanimada, sahayda caafiamad, iyo dawooyinku inay tagaan Iiraan’’.

Xukuumadda Tehran, ayaa marar badan ku celcelisa sidii looga qaadi lahaa cadaadiska uu Maraykanku saaray, taas oo suurtagal la’aan ka dhigtay macaamilka bangiyada oo aad muhiim ugu ah soo iibsashada qalabka caafimaad ee ay dibadda kasoo iibsanayso, taasoo cadaadiska Maraykanka ku macnaysa aragagixin dhanka dhaqaalaha ah.

Haayadaha xuquuqda aadanaha u dooda, ayaa sheegay in cunaqabataynta Maraykanku ay adkaynayso inay Iiraan la tacaasho cudurka sida dhakhsaha ah dunida ugu sii faafaya ee Coronavirus.

Hadalka Mr. Pompeo, ayaa imanaya xilli wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanku ay ka dhiidhiday dalbka Iiraan ay haayadda lacagta adduunka IMF kaga codsatay 5 bn oo dollarka Maraykanka ah si ay ula dagaallanto cudurka coronavirus, kaas oo asiibay in kabadan 64,000 oo Iiraaniyiin ah galaaftayna nafaha in ka badan 4,000 oo kale.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga