World Health Organization (WHO) Director-General Tedros Adhanom Ghebreyesus speaks during a press conference following a WHO Emergency committee to discuss whether the Coronavirus, the SARS-like virus, outbreak that began in China constitutes an international health emergency, on January 30, 2020 in Geneva. - The UN health agency declared an international emergency over the deadly coronavirus from China -- a rarely used designation that could lead to improved international co-ordination in tackling the disease. (Photo by FABRICE COFFRINI / AFP) (Photo by FABRICE COFFRINI/AFP via Getty Images)

Ninka ugu sarreeya haayadda caafimaadka adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WHO, ayaa uga digay dalalka dunida, inay qaadaan xayiraadaha loogu talagalay sidii loola dagaallami lahaa faafista cudurka Coronavirus, isagoo si wayn uga walaac uga muujiyay inay xaaladdu kasii darto.

Madaxa WHO, Dr. Tedros Adhanom, ayaa digniintan jeediyay xilli ay sii kordhayaan dadka uu haleelay cudurka Covid-19 iyo kuwa u dhimanayaaba adduunka oo dhan, waxaannu intaa ku daray inay muhiim tahay inaan la khafiifin xayiraadahan xitaa haddii dhaqaalaha dunida uu saamayn wayn ku yeelanayo.

Guud ahaan dadka uu asiibay Coronavirus adduunka oo dhan, ayaa kor u dhaaftay hal milyan iyo badh halka ay u geeryoodeen in ka badan 100,000 oo qof.

Dalalka ugu daran qaaradda Yurub ee cudurka Cornavirus, ayaa waxaa safka hore kaga jira Talyaaniga iyo Spain, balse madaxa haayadda caafimaadka adduunku waxa uu sheegay in meelo kamid ah qaaradda Yurub ay dhimashadu soo yaraanayso, isagoo sidoo kale xusay inay jiraan qorsheyaal WHO ay kala shaqaynayso dalalka sidii loo khafiifin lahaa xayiraadaha.

Spain ayaa iyadu sheegtay inay isku diyaarinayso in maalinimada Isniinta ah qaar kamid ah shaqaalaha qaybaha dhismaha iyo warshaduhu ay dib u bilaabaan shaqooyinkooda, iyadu dawladda Spanish-ku maalinimadii Jimcihii diiwaangelisay dhimashadii ugu badnayd muddo 17 cisho, taasoo tirada guud ee dhimashada dalkaas ka dhigtay, 15,843 qof.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga