Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Oo Maanta Ka Qeybgalay Munaasabad Lagu Xusayay aas aaska Ciidamadda Xooga Dalka Somalia Ayaa Sheegay In Si Dardar Leh Ay U Socdaan Howlaha Dib U Dhiska Ciidamadda Xooga Dalka

Dahka Kale Madaxweyne Farmaajo Ayaa Tilmaamay In Dadaalladaas Ay Barbar Socdaan Guulo Ay Ciidanku Ka Gadheen Dagaalka Lagaga Sifeynayo Dalka Argagixisada Al-Shabaab.

Madaxweynaha Ayaa Faray Ciidamada Xoogga Dalka In Ay Tusaale Wanaagsan U Noqdaan Shacabka Soomaaliyeed, Gaar Ahaan Ciribtirka Musuqmaasuqa Iyo Qabyaaladda

Ugu Danbayntii, Madaxweynaha Ayaa Uga Mahad Celiyay Dowladaha Iyo Ururrada Caalamiga Ah Ee Garab Taagan Ciidanka Xoogga Dalka, Isagoona Ugu Baaqay Shacabka Soomaaliyeed In Ay Taageero Buuxda Siiyaan Ciidankooda, Dadaal Muuqdana Ay Ku Bixiyaan Xoreeynta Dalka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga