Madaxweynaha Dowladda Somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Iyo Guddoomiyaha Xilka Ka Degay Prof Maxamed Cismaan Jawaari Ayaa Markii Ugu Horeysay Shir Jaraa’Id Ka Soo Wada Muuqday Tan Iyo Wixii Ka Danbeeyay Khilaafkii Siyaasadeed Ee Hadheeyay Hay’Addaha Dowladda.

Prof Jawaari Ayaa Sheegay In Uu Ka Tanaasulay Xilkii Gudoomiyaha Baarlamaanka, Islamarkaana Maalinta Berri Ah Uu Hortagi Doono Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Jawaari Ayaa Carabka Ku Adkeeyay In Uu Arintan U Sameeyay Si Looga Fogaado Bur Bur Ku Dhaca Hay’Adda Sharci Dajinta Iyo In Laga Baxo Is Qab-Qabsiga Siyaasadeed.

Madaxweyne Farmaajo Oo Shirka Jaraa’Id Isna Ka Hadlay Ayaa Ku Amaanay Prof Jawaari Go’aankan Uu Qaatay Isaga Oo Ku Tilmaamay In Uu Yahay Shaqsi Muhiim U Ah Qaran Dhisida Somalia.

Shirkan Jaraa’Id Ayaa Noqonaya Kii Ugu Horeeyay Oo Si Wada Jir U Qabtay Madaxweynaha Iyo Guddoomiyaha Is Casilay Ee Golaha Shacabka Prof Jawaari, Kaddib Markii La Soo Afjaray Xiisada Siyasadeed

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga