Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland ayaa xukuumadda Somaliland ku eedeeyay in ay haysato qaybo ka mid ah dhulka maamulka Puntland, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Somaliland ugu baaqay in ay ‘si nabad ah ka baxdo deegaano uu sheegay in ay ka haysato’. Maanta ayuu ka hadlayay xaflad tababar loogusoo xidhayay qaar ka mid ah ciidamada maamulka Puntland.

Puntland ayaa sheegata deegaano ka tirsan gobolada Sool iyo Sanaag ee Somaliland, waxaana labada dhinac marar kala duwan dhex maray dagaalo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga