Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ka qeyb galay   munaasibada xadhig ka jarka dhismayaasha lagu soo kordhiyey dugsiyada waxbarashada oo ka qabsoontay Xarunta Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

Ugu horayn waxa halkaa ka hadlay masuulinta wasaaradda Waxbaradhada oo ay ka mid ahaayeen Agaasimaha Guud, Mudane Cabdirisaaq Jaamac Nuur (Naakhuude), Marwo oo ku hadashay afka hay’addaha wasaarada ka taageerada dhinaca Waxbarashada, Gudoomiyaha Komishanka Tacliinta sare Prof Saleebaan Dirir Cabdi, Wasiirka Waxbarashada iyo sayniska Mudane Axmad Maxamed Diiriye (Toorno) iyo Wasiirka horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali shire oo dhammaantood ku dheeraaday muhiimada waxbarashada iyo dhismayaasha cusub ee u soo kordhay ay dalka iyo dadka u leeyihiin.  

Ugu danbayntiina waxa munaasibadda ka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi oo Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ku boggaadiyey hanaanka quruxda badan ee nuxurka lagu soo koobay ee wakhtigana lagu ilaaliyey waxaanu yidhi madaxweynuhu “Horta waxaan wasaaradda ku hambalyeynayaa inay wasaaradaha  iyo hay’addaha kale baraan in marka shir la qabanaayo nuxurka uun laga raaco oo wakhtiga la ilaaliyo oo lasoo koobo, wasaaraddii tacliinta ayaad noqoteenoo aqoon baad u bilowdeen wasaaradihii kale, kuwa kalena waa inay idinku raacaan dhammaantood iyo dawladaha hoose, hay’addaha madaxa banaan waa in qaabkaa loo shaqeeyaa aad iyo aad baan idiinku hambalyeynayaa”.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Wasaaradda uga mahadceliyey hirgelinta dhismayaasha cusub iyo dhiirigelinta Farsamada gacanta “Waxaan u mahadnaqayaa Wasaaradda dhismahan badan ee ay dhamaysay siday ugu jeedisay Aqoontii in loo wareego dhinaca Farsamada gacanta oo Artiiskii badnaa ee la baranaayo laga baxo, sannadkii dhawayd markii ugu horaysay 150-arday Xirfadlayaal ah ayaa waxbarasho u tegay dibada oo isgu jira Master, Degree, Diploma oo ka kooban inta aynu u baanahay, Xoola-dhaqasho, Beero, dhisme iyo adeeg, adduunku maanta adeeg bu u guuray oo lacag laga helaa”.

Madaxweynuhu waxa uu xusay in lacagta ku baxday dhismayaasha cusub ee waxbarashada inta ugu badan ay bixisay dawladdu “tan aynu maanta u joognaa waa 130 dhisme lacagta ku baxday waa 6500,000 oo dollar (Lix milyan iyo shan boqol oo kun oo doollar) Lacagta intaa leeg 4500,000  Somaliland ayaa bixysay, Somaliland markay isu tagtay waxaan u arkaa inay tahay tallaabo aad u weyn marka itaalkeena dhaqaale loo eego, waxaanan ku rajo weyn-nahay inaan sannad walba kordhino oo wax ku darno si aynu u hanano halka aynu la doonayno Tacliinteena”.

dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa xusay in macaliniinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku ay sameeyeen Naf-hurnimo ballaadhan “Wasaaradda waan hambalyeynaynaa hawsha inoo taallaana waa ballaadhan tahay waxa qudha ee aan hoosta ka xariiqayaa  horumarkaa aynu gaadhnay ee dhisme leh ee arday badan leh waxay ku yimaadeen nafhurnida macalimiinta iyo shaqaalaha wasaaaradda oo aan daryeel qaranka ka helin laakiin naftooda u horay bay ku timi waana xaqiiqo aynu isla wada ogolnahay”

Ugu danbayntiina waxa uu Madaxweynuhu ka hadlay saamaynta Sixir-bararka bulshada saameeyey eek a jira dalka isagoo ugu bushaareeyey bulshada in si deg deg ah wax looga qaban doono “Dhibaatooyinka jira maanta waxa ka mida Sixir-bararka, way xanuun badan tahay waayo qofka shaqaalaha ah ee naf-hurnimada intaa leeg sameeyey ee wixii uu qaadanayey bishaa 20% ay lumaysaa waa mushkilad soo korodhay, isagoo qudha ma haysatee dalkoo dhan bay haysataa waayo hawshii uu qabanaayey baa hoos u dhacaysa sidaa darteed dawladda iyo wadaagayaasha dhaqaalaha maalmahan waxay ka shaqaynayeen sidii sixir-bararkaa wax looga qaban lahaa ee loo joojin lahaa ama hoos loogu dhigi lahaa, wararkii ugu danbeeyey ee ay isoo gaadhsiiyeen waxa weeye iyaga, shirkadaha waa weyn iyo Baananka dhammaan waa laga tashaday dadweynaha waxaa loogu maqan yahay gurmad in laga qabto sixir-barbarka oo halka uu joogo hoos looga dhigo”.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga