British Ambassador to the United Nations Barbara Woodward and U.S. Ambassador to the United Nations Linda Thomas-Greenfield vote against the resolution put forward by Russia during a meeting of the United Nations Security Council on the conflict between Israel and Hamas at U.N. headquarters in New York, U.S., October 16, 2023. REUTERS/Andrew Kelly

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa ku guul-daraystay inay ansixiyaan qaraar uu soo diyaariyey dalka Ruushku oo nuxurkiisu ahaa in la sameeyo xabbad-joojin bani’aadantinimo, lana sii daayo maxaabiista la haysto, isla markaana xal waara laga gaadho qaddiyadda xudunta u ah colaadaha Falastiin iyo Israa’iil, iyadoo uu qaraarkani ku baaqayey in la helo dal Falastiiniyiintu leeyihiin oo si buuxda u madaxbannaan.
Qaraarkan la xidhiiday dagaalka Qasa in la ansixiyo waxa u codeeyey shan dal oo ah Ruushka, Shiinaha, Imaaraadka Carabta, Mozambique iyo Gabon. Waxa diiday afar wadan oo ah Maraykanka, Ingiriiska, Japan iyo Faransiiska, halka ay lix wadan oo kale ka aamuseen, kuwaas oo kala ah;  Brazil, Malta, Albania, Switzerland, Ecuador iyo Ghana.
Safiirka dalka Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield oo saxaafadda la hadashay ayaa sheegtay in sababta ay uga soo horjeedsadeen qaraarkan Ruushku soo diyaariyey ay tahay inuu iska indho-tiray in Ururka Xamaas lagu sifeeyo inuu yahay Urur Argagixiso, iyadoo sidoo kale sheegtay in qaraarkani xushmad-darro ku yahay dadkii reer Israa’iil ee ku waxyeeloobay weerarkii ay dagaalyahannada Xamaas ku qaadeen Sabtidii toddobaadkii hore.
Geesta kale, safiirka Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay Gilad Erdan ayaa soo dhaweeyey tallaabada Golaha Ammaanku ku diiday inuu ansixiyo qaraarkan Ruushku watay, waxaannu soo jeediyey in Golaha Ammaanku ka shaqeeyo sidii Ururka Xamaas loogu aqoonsan lahaa mid argagixiso, balse xubnaha Golaha Ammaanka ayaa diiday codsidaas Israa’iil ee ah in Xamaas lagu sheego Argagixiso.
Safiirka Falastiin ee Qaramada Midoobay Riyad Mansour ayaa isna sheegay in Golaha Ammaanka looga baahan yahay inay ku dhaqmaan shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah, go’aanadoodana ay hagaan shuruucdu iyadoo aan cidna laga reebayn, waxaannu intaas ku daray in Israa’iil ay duulaan cadawtinimo ah ku hayso dadka Falastiiniyiinta, ayna waajib tahay in lagula xisaabtamo xasuuqa iyo weerarada axmaqnimada ah ee ay ku hayso bulshada ku nool Marinka Qasa.
Sidoo kale Safiirka Ruushka u jooga Qaramada Midoobay Vassily Nebenzia ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in Golaha Ammaanku ansixin waayeen qaraarka ay soo diyaariyeen ee khuseeyey arrimaha bani’aadanimada, waxaanu xusay in sababaha uu qaraarkani u fashilmay ay tahay in dalalka Reer Galbeedka ee Maraykanku hormuudka u yahay ay munaafaqadeeyeen qaraarkan.
fashilkan ku yimid Qaraarkan Golaha Ammaanku ka soo saari lahaayeen colaadaha Falastiin iyo Israa’iil ayaa ku soo beegmaya xili ay socdaan dedaalo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in la helo xabbad-joojin, isla markaana gargaar iyo gurmad bani’aadanimo la gaadhsiiyo dadka Falastiiniyiinta ah ee ku barakacay duqaymaha Israa’iil.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga