Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir), Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Puntland ay ka go’antahay inay cidhibtirto nooc-kasta oo argagixiso ah, falalka noocaasi oo kale ahna aanay cabsigelineyn Dowladda iyo Shacabka Puntland.

Hadalka madaxwayne Deni, ayaa yimi kadib markii shalay qarax lagu khaarajiyay guddoomiyihii gobolka Nugaal.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu faray dhammaan Hay’addaha Dowladda in la fulliyo go’aamada looga hortagayo Cudurka Covid-19 ee ay soo saareen Guddida Dowladda u qaabilsan ka hortaga Coronavirus , dhinaca kale wuxuu Madaxweynuhu ugu baaqay Shacabka Puntland inay u hoggaasamaan awaamiirta – ku saabsan wacyigelinta iyo ka hortaga cudurkaasi.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga