Madaxda maamulka Puntland ee dalka Soomaaliya oo uu hor kacayo madaxweynaha maamulkaas ayaa ka shiray xaaladaha guud ee deegaanadaas, waxaanay si gaar ah uga hadleen amniga iyo caabuqa Covid-19 oo cabsidiisu ay taagantahay.

Bayaan ay soo saareen kadib kulan ay yeesheen ayay ku sheegeen in la xadidayo dhaqdhaqaaqa iyo isu-socodka dadka, si looga hor tago in xanuunku uu ku faafo deegaanada maamulkaas. Waxay ciidamada ilaalada xeebaha ee Puntland fareen in ay ka hor tagaan kalluumaysatada sharci-daradda ah oo xanuunka keeni kara gudaha Puntland.

Warka ay soo saareen oo dhammaystiran halkan ka akhriso:

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga