Weftigii Uu Hogaaminayey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Ayaa Galabta Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Ka Dib Safar Ay Muddo Ku Jogeen Dalka Imaaraadka Carabta.

Wasiirka Khayraadka Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore Oo Weftiga Madaxweynaha Ka Mid Ahaa Ayaa Sheegay Inay Booqashadii Imaaraadka Ay Kala Kulmeen Arrimo Farxad Galinaysa Shacabka Somaliland,Isla Markaana Waxyaalo Badan Oo Ay Hor Dhigeen Imaaraadka Carabta Ay Isla Qaateen.

Saleebaan Cali Koore Ayaa Sheegay In Somaliland Ay Yeelatay Saaxiibo Badan Oo Besha Caalamka Ah,

Sidoo kale, Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe Oo Ka Mid Ahaa Weftigan Ayaa Sheegay In Imaaraadku Balan Qaadeen In Xoolaha Nool Dalkooda Loo Dhoofin Doono,Isla Markaana Ka Caawin Doonaan In Sucuudiga Xoolihii Loo Dhoofin Jirey Uu Fasaxo, Waxa Kale Oo Uu Carabka Ku Adkeeyey In La Ogolaaday In Passporka Somaliland Lagu Tago Dalka Isku Taga Imaaraadka.

Waxa Dalka Imaaraadka Kaga Hadhay Guddi Farsamo Oo Fulin Doonna Qodobaddii Laga Wada Hadlay, Waxaaanay Kala Yihiin Taliyeyaashii Ciidamadda, Wasiirka Isgaadhsiinta, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Iyo Kalluumaysiga, Gudoomiyaha Baanka Dhexe Iyo Xubno Kale.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga