Xukuumadda cusub ee dalka Libya ayaa ku baaqday in ay dalkaas ka baxaan wax ay ku sheegtay ‘calooshood u shaqaystayaasha shisheeye.’

Raysalwasaarha ku meel gaadhka ah ee Libya, Abdulhamid Dbeibah, ayaa soo jeediyay in Libya ay ka baxaan ciidamo lagu sheegay 20,000 oo ajaani ah kuwaas o ka dagaalamaya gudaha dalkaas.

Baarlamanka Libya ee Tripoli ayuu Dbeibah u sheegay arintan xili uu rabay in la ansixiyo golahiisa cusub ee wasiirada ee uu soo dhisay dhawaan, Libya-na gaadhsiin doona doorashada labada dhinac ee awoodda isku hayaa ay ku midaysanyihiin.

Wuxuu xusay raysalwasaaruhu in joogitaanka ciidamada shisheeye ee Libya ay carqaladaynayaan madax banaanida dalka.

Dalka Libya waxa ku sugan ciidamo ay Qaramada Midoobay ku sheegtay in ay ka badanyihiin 20,000, kuwaas oo kala taageeraya labada dhinac ee ku dagaalamaya awoodda Libya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga