Shacabka dalka Switzerland ayaa si dirqi ah ugu codeeyay in laga mamnuuco indho shareerka amaba sida dadka qaarkiis ugu yeedhaan Niqaabka bulshada dhexdeeda, taas oo uu xitaa kamid yahay midka ay xidhaan dumarka muslimiintu.

Natiijooyinka rasmiga ah waxay muujiyeen in cabirka kala ahaa 51.2% iyo 48.8% aftidii la qaaday maalintii Axadda.

Hindisahan waxaa soo bandhigay xisbiga garabka midig ee Swiss People Party (SVP) kaasoo ku ololeeyay hal ku dhigyo ay ka mid yihiin waxa uu ugu yeedhay “joojinta xagjirnimada”.

Hoggaamiyeyaasha muslimiinta dalka Switzerland ayaa sheegay inay u tahay maalin madow madow Muslimiinta, isla markaana ay maxkamad la tiigasan doonaan.

Dawladda dalkaasi way kasoo horjeedsatay aftidan.

WARARKII UGU DAMBEEYAY KALA SOCO SAAB TV.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga