Hooyo Iyo Laba Caruur Ah Oo Ay Dhashay Ayuu Xalay Qaatay Roob Weyn Oo Ka Da’Ay Magaaladda Hargeysa, Taas Oo Sababtay Geeridda Hal Qof, Halka Mid Kalena La Waayey Nolol Iyo Geeri Ka Uu Yahay.

Labaddii Caruurta Ahaa Midna Wuu Geeriyooday Kii Kalena Illaa Hadda Waa La Raadinayaa, Halka Hooyadii Iyadoo Koomo Ku Jirta Laga Soo Badbaadiyey Daadkii.

Dhacdadan Naxdinta Leh Ayaa Ka Dhacday Xaafadda Qudhac Dheer Ee Koonfurta Magaladda Hargeysa, Waxaana Xalay Goobtaasi Gaadhay Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Xubno Ka Tirsan Xukuuumadiisa, Waxaanay U Soo Tacsiyadeeyeen aabaha Dhalay Caruurtan.

Hooyadan Daadku Qaaday Ayaa Xambaarsanayd Wiil Yar, Sidoo Kalena Ay Wehelinaysay Gabadh Yar Oo Ay Dhashay, Kuwaas Gebi Ahaanba Daadku La Tegay, Markii Uu Daadku Soo Gaadhay Guri Jiingad Ahaa Oo Ay Laba Maalmood Ka Hor Uun Kiraysteen Kuna Dhexyaalay Dooxa, Waxaana La Soo Helay Hooyadii Oo Hada Koomo Ku Jirta Iyo Gabadhii Yarayd Oo Mayd Ah, Halka Wiilkii Yaraa Ee Hooyadu Dhabarka Ku Sidayna La Raadinayo Sidaas Waxa Madaxweynaha Uga Warbixiyey aabaha Dhalay Caruurtan Daadku Qaaday.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga