Dawladda Kenya ayaa war kasoo saartay eedo dhawaan uga yimid awladda Feedraalka Soomaaliya, iyadoo ku tilmaantay ‘waxba-kama-jiraan.’

War kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee dawladda Kenya ayaa lagu sheegay ‘ in dawladda Kenya aanay ogolayn wararka aan sal-iyo-raadka lahayn ee ay waddo dawladda Soomaaliya, kuwaas oo dacaayado waxba-kama-jiraan ah ka faafinaya Kenya.’ Warka ayaa sidoo kale ay Kenya ku sheegtay ‘in aanay u dul waadnahayn in Soomaaliya ay Kenya u adeegsato danaheeda oo ay iskaga mashquuliso culaysyada ka saaran gudaha Soomaaliya. Waxay xustay in dawladda Soomaaliya ay shaqo badani uag taalo gudaha dalkeeda.’

Kenya waxa sidoo kale tibaaxday ‘ in ay diyaar u tahay in ay la shaqayso dawladda Soomaaliya oo is-kaashi dhinacyo kala duwan ah la yeelayo.’

Dawladda Soomaaliya ayaa hore Kenya ugu eedaysay in ay fara-galin ku hayso arimaha gudaha ee dalkeeda, iyadoo danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay uu digniin u diray Kenya hadii ay ka waantoobi waydo faragalinta ay ka wado gudaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada koonfurta.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga