Kenya waxay ku hanjabtay in ay joojinayso dhammaan duulimaadyada taga dalka Soomaaliya ee soo gala Kenya ama ka imanaya ee tagaya gudaha dalka Kenya.

Xukuumadda Nairobi waxay xustay in ay joojin doonto duulimaadyada gargaarka iyo bini aadamtinimada ee diyaaradaha Qaramada Midoobay, kuwaas oo u goosha dhanka Soomaaliya, iyadoo arimo kala duwan sabab uga dhigatay.

War kasoo baxay wasaaradda arimaha diabdda ee Kenya oo ay arkeen qaar ka mid ah saxaafadda balse weli aanay dawladdu si rasmi ah u shaacin ayaa lagu sheegay in Kenya aanay ogolayn in diyraadaha gargaarka loo isticmaalo arimo ka baxsan hawlaha bini aadamtinimada, hadii kale ay joojin doonto.

Waaxda socdaalka ee Kenya ayaa hubin doonta diyaaradaha taga Soomaaliya ee hay’adaha Qaramada Midoobay, alaabta ay sidaan iyo rakaabka ku safrayaba, hadii aanay hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa gargaaarku ka waantoobin wax ay Kenya ku sheegtay u adeegsiga arimo ka baxsan bini aadamtinimada.

Kenya waxay qabtaa in diyaaradaha qaarkood loo adeegsaday arimo siyaasadeed iyo dano kale oo ka madax banaan inta loo ogolaaday.

Dawladda Kenya waxay dhawaan iska joojisay duulimaadyada dalka Soomaaliya iyadoo amar danbe ka dib mamnuucday in garoomadeeda ay soo cago dhigtaan diyaaradaha ka imanaya ama tagaya Soomaaliya. Kaliya waxay ogolaatay diyaaradaha arimaha bini aadamtinimada u socda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga