Dawladda Kenya ayaa rabta in ay ciidamadeeda difaaca qaranka ee loo yaqaano KDF ay kala baxdo dalka ay jaarka yihiin ee Soomaaliya sida ugu dhakhsaha badan, waxaana arintan ogaatay warbaahinta gudaha Kenya.

Wargeyska DAILY NATION ayaa ogaaday in maalmaha soo socda ay wasaaradda difaaca ee Kenya ay bilaabi doonto wadaxaajood ku aadan artintan, iyo in guud ahaan ciidanka Kenya laga saaro hawl-galka nabad ilaalinta ee AMISOM.

Kenya ayaa rabta in ay yarayso weerarada uruka alShabab ee ka dhaca gudaha dalkeeda, maadaama ay kooxdu inta badan weeraradeeda ku sababayso ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga