Laamaha amaanka magaalada Jowhar, ayaa gebi ahaanba albaabada iskugu dhuftay idaacada City Fm oo ka mid ah warbaahinta madaxa banaan ee ka howlgalo magaalada jowhar wararka ayaa sheegayo in ciidamada booliska Hirshabelle ay gudaha u galeen idaacada kadib ay xoog kula wareegen furaha idaacada aygoon albaabada u laayab guud ahaan warbaahinta waxaana ay xabsiga dhigeen ilaa 7 qof oo ka mid ah shaqaalaha City fm inkastoo markii dambe dib loo sii dayay shaqaalaha haseyeeshee ay ciidamada diiden in ay idaacada dib u howlgasho iyagoo qaab awood sheegasha ah kula wareegay maamulka City FM hawadan ka bixiyay warbaahinta, sida uu kusoo warramayo weriyaha Saab TV ee halkaasi.

Warkan, ayaa waxaa weriyaha Saab TV u xaqiijyay maamulka idaacadda.

Kala soco wararkii ugu dambeeyay Saab TV

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga