Haddii aad beeroole tahay, waa hubaal in maqalka noolaha ‘’Ayaxa’’ layidhaa dhib kugu yahay, saa waa noole dhibtiisa Soomaali isku waafaqday, markay ku maahmaahday ‘’Ayax teg eelna reeb’’.

Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa muujinayay ayaxa oo wadar wadar ugu dheggan dalagyada beeralaydu muddada badan sugayeen inay goostaan, kaasoo sida lagu yaqaan nag ka dhiga.

Wasaaradda beeraha Somaliland, ayaa iyana maanta dirtay kooxaha la dagaallanka Ayaxa, si ay uga buufiyaan, balse sheekada xiisaha leh ayaa ah in gobollo kamid ah dalka Soomaaliya Ayaxii beeraha cunayay isagii la cunayo!, muuqaallo lasoo geliyay baraha bulshada ayaa iyana toos u muujiyay Ayaxii oo baalasha laga rifay oo la cunayo.

Inkasta oo cunista Ayaxu ayba kamid tahay raashinka umado badan oo adduunka inala yaal, haddana Soomaalida cunta uma ahayn.

Axmed Maxamuud Yuusuf, Telefishanka Saab, Hargeysa

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga