Joe Biden, oo ah murashax u taagan xulista xisbiga dimuquraadiga ee qofka uga qaybgalaya doorashada madaxwaynenimada Maraykanka, ayaa diiradda saari doona ololaha isniinta ah ee ku wajahan gobolka Michigan,taasoo ah  abaalmarinta ugu weyn ee lixda gobol lagu tartamayo toddobaadkan, taasoo haddii ay guushu raacdana ay u horseedi karto inuu noqdo hoggaamiye aan laga adkaan karin.

Kadib guushiisii Vermont, senator Bernie Sanders, si uu u noqdo murashaxa la tartami doona Donald Trump, doorashada bisha November ee madaxwaynenimada Maraykanka, waxa laga rabaa inuu ku guulaysto 1,991-ka ergooyin ee uu u baahan yahay qofka loo xulanayo murashaxa xisbiga iyadoo gobolka Mishigaan 125 ka leeyahay.

Joe Biden oo madaxwayne-ku-xigeen kasoo noqday Maraykanka xilligii madaxwane Obama, ayaa kasoo hooyay guulo layaab leh doorashooyinkii Super Tuesday, dad badan ayaana u rajaynayaa inuu noqdo murashaxa xisbiga Dimuquraadiga ee la tartami doona madaxwayne Trump.

Trump iyo Biden, ayuu u dhexeeyay loolan culus, kuwaas oo marar hore hawada isku mariyay hadallo dhaleecayn ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga