Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kusoo dhaweeyey, Wefti uu hoggaaminayo Ergeyga Gaar ka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Ambassador James Swan.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Danjire James Swan ayaa kulanka kadib si wadajira ula hadlay warbaahinta.

 Madaxwayne Deni, ayaa sheegay in Safiirka ay ka wadahadleen arrimo ay kamid yihiin doorashada Soomaaliya ee 2020/2021, xoojinta amniga, dimuqraadiyeynta iyo hirgelinta Qorshaha Horumarinta Puntland.

Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Danjire James Swan ayaa dhankiisa xusay in Qaramada Midoobay ay sii wadidoonaan taageerada Puntland, isagoo xusay in safarkiisu uu ahaa mid kamid ah safarradii caadigaa ahaa ee uu ku tegi jiray xubnaha dawlad-goboleedyada.

Mr. Swan ayaa xusay arrimaha doorashada, arrinta Sool iyo Sanaag, dhamaystirka dastuurka iyo xaaladda siyaasadeed ee u dhaxaysa dawladda federaalka iyo qaar kamid ah dawlad-goboleedyada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga