Jamhuuriyadda Jabbuuti, ayaa hore u sheegtay inay u tartamayso kursiga aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, taasoo ay ururka midowga Afrika  codaynta cidda u metalaysa kursinga hore ugu soo baxday dawladda Kenya, balse ay Jabbuuti sheegtay inay tartami doonto.

Haddaba, qoraal lasoo geliyay barta Twitter-ka ee ururka iskaashiga Islaamka, ayaa lagu
sheegay in ururku uu Jabbuuti la jiro, taageero waynna kasiin doonto sidaa ay ku hanan lahayd Kursigaas.

Ururka ayaa ugu baaqay dalalka xubnaha ka ahi inay is garab taagaan Jabbuuti, kana caawiyaan sidii ay murashaxnimadeeda kursigan aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka Qaramada Midoobay.

QORE: Axmed Maxamuud Yuusuf SAABTV

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga