Ra’iisul wasaaraha dalka Ingiriiska, ninka lagu magacaabo Boris Johson, ayaa sheegay in xukuumadiisu ay celin doonto muhaajiriinta sida aan sharciga ahayn ugasoo talaaba dhanka Faransiiska.

Hadalka Boris ayaa imanaya xili maalintii shalay ahayd ay 100 qof oo muhaajiriin ahi isku dayeen in doonyo yar yar ku galaan dalka Ingiriiska, iyagoo kasoo gudbaya dhanka Faransiiska.

Dadkan ayaa sii dhex marayay biyaha u dhaxeeya labadan waddanka oo dhaca galbeedka qaaradda Yurub.

Wadamada Yurub ayaa u muuqda qaar aan aqbali doonin muhaajiriin ka badan kuwa wadamadooda jooga, xili qul-qulka muhaajiriintuna uu yahay mid aan kala go’ lahayn.

Dhinaca Kale  356 muhaajiriin Afrikaan ah oo ku go’doonsanaa markab badda Talyaaniga ku sugnaa ayaa hadda helay war ay ku farxaan.

Dadkan ayaa horey loogu diidday inay gudaha u galaan dalalka Yurub, balse lix dal oo qaaradda ka tirsan ayaa hadda shaaciyay inay oggaalaadeen muhaajiriinta inay qaabilaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga