Jaamacadda carabta ayaa cambaarasay diidmadii maraykanku kaga soo horjeestay qaraarkii golaha ammaanka ee qaramada midoobay,kaas oo ogolaanayey in shacabka falastiin ay helaan damaanad ku aadan amni iyo nolol.

Hadal laga sii daayey xarunta jaamacadda carabta ee qaahira ayaa lagu sheegay in mareykanku uu caqabad ku yahay qaraar kasta oo lagu joojinaayo dhiigga laga daadinayo dadka aan wax galabsan ee reer .

Jaamacadda carabta  ayaa muuujisay  sida ay uga xun tahay fashilka ku yimid golaha ammaanka ee qaramada midoobay ,kaaas oo lagu tilmaamay in uu qaadi waayey tallaabo muhiim ah oo lagu joojinaayo xasuuqa israa’iil ku hayso shacbiga falastiin.

Mareykanka ayaa  diidmada qayaxan ku hor-istaagay qaraar  lagu dalbanayay in falastiiniyiinta ay helaan amni,kaas oo ay soo gudbiyeen 10-dal,halka ay ka aamuseen ingiriiska ., poland,  netherlands iyo ethiopia .

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga