Dowladda israa’iil ayaa sheegtay in ay ka jawaabtay, gantaallo ay soo rideen ciidamada falastiin.
Diyaaradaha dagaalka israa’iil ayaa duqeeyey laba goobood oo ku yaalla marinka qaza kaddib marki goobahaasi laga soo riday gantaallo ku dhacay koonfurta israa’iil.
Ciidamda israa’iil ayaa sheegay in laba gantaal lagaga soo ganay dhinaca marinka qaza.
Ciidamadda isra’iil ayaa sheegay in mid kamida gantaaladaas ay qabteen ka kalana uu ku dhacay meel aan loogu talagalin.
Saacado kaddib, qaar ka mid ah dadka deggan marinka qaza ayaa waxaa ay sheegeen in ay diyaaradaha israa’iil duqeyn u geysteen xero ciidan lagu tababaro oo uu leeyahay ururka xamaas.
Wali lama soo sheegin cid wax ku noqotay duqeynta diyaaradaha iyo gantaallada la soo riday midkoodna.